Sawirqaade: Janerik Henriksson/Scanpix

Maanta: Saami ka Mid ah Vattenfall oo la Iibiyay

Shirkadda Vattenfall oo ay dawladdu mulkida u leedahay ayaa iibisay hoowlaheeda dalka Poolan. Maantadan ayaa shaaca laga qaaday in laba warshadood ee hoos yimaada shirkadda Vattenfall ee awoodda korontada GZE iyo Heat Poland ee magaalada Waarso ka mid ah shirkadaha ugu sita ee quwadda korontada iyo kuleeylinta guryaha xilliga qaboobaha lagu kala iibsaday 10 iyo 6 iyo bar milyaardi ee koronka iswiidhishka.

"Shirkadda Vattenfall waxay sannadihii u dambeeyey hor-u-marisay hoowlihii ey ka watay dalka Poolan. Waanan ku faraxsanahay in aan helay iibsadeyaal xiiseeynaya kuna tala jira iney hor-u-markii halkiisii ka sii wadaan iyo sidii loogu tallaabsan lahaa is-bedel wax ku ool ah cimiladana u wanaagsan marka laga hadlayo quwadda korontada", sida uu sheegay Öystein Löseth, ahna agaasimaha shirkadda Vattenfall, isaga oo qoraal kaga hadlay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista