Qiimaha Korontada oo Kacay

Caqabado hor leh ee la soo gudboonaaday warshadaha nuclearka ee quwadda korontada ayaa sabab u noqday in qiimaha korontada kor loo qaado. Shalayto ayaa la fariisiyay qaybta saddexaad ee warshadda quwadda nuclearka ee Oskarshamn caqabad ka timid dhanka habka biyaynta, iyadoona la filayo in arbacada dib loo shido.

Sidoo kale warshadda Ringhals ayaa iyadana lagaga dhawaaqay in dib loo dhigay laguna aadiyay bilaha qabow ee sannadka dib u eegidii kontrool ee warshadda, halka horay loogu talo jiray in bisha oktoobar falkaa lagu dhaqaaqo.

Qiimaha korontada ayaa kor u kacay 2%, si uu haddana wax xoogaa ah hoos ugu dhaco.

Elpriset för leverans fjärde kvartalet steg med över två procent i går för att falla tillbaka något idag.