Buug lagu Dhaleeceeyay Carl Bildt

Buug uu noloshiisa kaga hadlayo ayuu ku eedeeyay Per Ahlmark, hogaamiyihii hore ee xisbiga shacabku wasiirka arrimmaha dibadd Carl Bildt, inuusan wax ka soo qaadin falalka is-xasuuqa isla-markaana uu mowqif cadawnimo ka istaago dawladda Israa'iil.

Ahlmark ayaa ku dhaleeceeyay Carl Bildt inuu ka aamusay xasuuqii ka dhacay carriga Darfuur ee dalka Suudaan. Sbabtuna tahay aaminaadda u hayo shirkadda shidaalka ee Lundin Oil oo carrigaa ka howl-gasha. Ahlmark ayaa sheegay inuu hogaamiyaha iminka ee xisbiga shacabka Jan Björklund u qiray inuu Carl Bildt ka mamnuucay wasiirradu iney xaaladda darfuur ku magacaabaan xasuuq.

Ahlmark wuxuu sidoo kale ku dhaleeceeyay Carl Bildt "inuu dam ka yahay aqoonta kuna qabow yahay Yuhuudda".

Hayadda wararka ee TT oo isku dayday iney Carl Bildt wax ka weydiiso amuurtaa ayaanay u suurtagelin. Halka ey Fredrik Reinfeldt iyo Jan Björklund ka gaabsadeen iney wax yiraahdaan buugga uu qoray Per Ahlmark.