Haweeney Tuhun Dil loo Xabisay

Haweenay ayaa tuhun laga qabo awgeed xabsiga loo dhigay dilkii laba dhallaan oo ey dhashay ee afar iyo siddeed jir ah.
Haweeneydan oo 30 jir ah ayaa iska dheereeysay iney falkaa ka dambeeysay sida ay u sheegtay hayadda TT gar-yaqaanadeeda Eva Möller till TT.

Wiilasha ayaa laga helay warta gudaheeda shalayto galabnimadii, kadib kolkii la la'aa wixii ka dambeeyay axaddii.
Ciidanka ammaanka ayaa sheegay inuu jiro tuhun, maadaama ey ka heleen dhaawacyo loo geeystay.
- Waa caqabad la soo gudboonaatay reer, sida uu sheegay sarkaal u hadlayay ciidanka ammaanka Stefan Marcopoulos.
Sida uu sheegay Marcopoulous lagama helin wax war-bixin ah wareeysigii ugu horeeyay ee lala yeeshay haweeynaydaa.