Dacwaddii Göteborg ee Tuhunka Dilka

Saddexdii nin ee xabsiga lagu hayay iyagoona lagu soo oogay dacwad ka dhan ah ee isku diyaarin fal-dileed ee xarun lagu soo ban-dhigayay far-shaxan Magaalada Göteborg ayaa la go'aamiyay in xabsiga ey ku sii jiraan.

Laba ka mid ah ayaa abiil ka qaatay go'aankii maxkamadda degmada iyo in xabsiga lagu sii hayo, iyadoona mar kale la go'aamiyay in xabsiga ey ku sii nagaadaan. Nin 23-jir ah oo shalay abiilka loo diiday iyo nin 25-jir ah oo maanta go'aankiisa la gaaray.

Howshii ciidanka ammaanka ayaa markii hore lagu soo qabtay afar nin ee la sheegay in lagu tuhunsanaa fal argagixisnimo.

Iyadoona dabadeed loo rogay saddex ka mid ah raggaa dacwadoodii tuhun laga qabo fal isku-day dileed. Halka midkii afaraadna oodda laga qaaday.

Ugu dambayn waa in dacwad lagu soo oogaa raggaa 28-ka bisha septeembar.