Howlaha Dalkani ka Wado Liibiya

Afarta galabnimo ee maanta ayaa la filayaa inuu baarlamanka dalkani go'aan ka gaaro sii wadidda howlaha ciidan ee uu gacanta kaga geeysanayo xaaladda ka taagan dalka Liibiya.

Toddobaadkii hore ayay dawladdu heshiis middaa kala gaartay xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga in bil la kordhiyo howlahaa.

Iyadoona ay howsha bisha ahi ku kici doonto dhaqaale gaarsiisan 21 malyuun ee koron. Middaasi ayaa ka dhigi doonta miisaaniyadda uu dalkani ku bixiyay/bixin doono miisaaniyad gaarsiisan 336 malyuun ee koronka iswiidhishka, halka go'aanka maanta uu baarlamanku gaari doono dabadiis ey dalkan uga qayb qaadan doonaan howlahaa 140 ruux.