Saab oo Dalabkeedii la Ogolaaday

Maxkamadda rafcaanka ee galbeedka dalka ayaa ogolaansho siisay in shirkadda Saab loo ogolaado codsigeedii ahaa in dib-u-dhis lagu sameeyo.
Peter Islander, ahna madaxa maxkamadda ayaa sidan ku macneeyay go’aanka ay maxkamadda rafcaanku gaartay: 

- Shirkadda Saab waxay muujisay inay ku guuleeysan karto dib-u-dhiska. Waana midda xeerka ku qoran in la siiyo suurtagalkaa haddii ey dhici karto.

Taasina macnaheedu tahay in muddada shirkaddu ku jirto siday xal ugu heli lahayd dhaqaalaheeda aan la gelin karin busaarad.

Go'aanka ka soo baxay maxkamadda ayaa hor-seedaya inuu hir-galay damaannadii mushaarka, islamarkaana ey 3 400 shaqaale ee shirkaddu heli doonaan mushaaradii bishii agoosto muddo toddobaad gudihiis ah.

Håkan Skött, madaxa ururka shaqaalaha IF Metall ee shirkadda Saab ayaa soo dhoweeyay go’aanka maxkamadda rfcaanka. Waa tallaabadii ugu wanaagsanayd ee beryahan la qaado. Waxaa iminka suurtageli doonta in shaqaaluhu helaan mushaarkii ey bisha sugayeen. 

Go'aankan dabadii ayaa howsha dib loogu celin doonaa maxkamadda degmada si ey ugu saarto cid dib-u-dhiska u qaabilsan kulanna ey si deg deg ah isugu yeeri doonto muddo saddex toddobaad gudihiis.

Shirkadda Saab ayaa hore u dalbatay inuu gar-yaqaan Guy Lofalk ka noqdo dib-u-dhise, maadaama uu horey sannadkii 2009 howl middan la mid ah shirkadda uga soo qabtay.

Go'aanka ka soo yeeray maxkamadda rafcaanka ayaa faraxad geliyey shaqaalaha shirkadda.