Dawladnimada Falastiin

Madax-waynaha shacabka Falastiin Maxmuud Cabbaas ayaa maanta la filayaa inuu u gudbiyo hayadda Qarammada Midoobey codsi la xiriira in dalkiisu kursi ku yeesho hayadda. Si haddaba codsigaa loo aqbalo ayaa marka hore loo baahan yahay in la soo buuxiyo shuruudda ah in Falastiin loo aqoonsado dal xor ah. Illaa iyo hadda ma cadda mowqifka uu dalka Iswiidhen amuurtaa ka taagan yahay iyo sida ergada dalkani u codeeyn doonto. Anders Jörle, madaxa laanta wararka ee wasaaradda arrimmaha dibadda ayaa ka gaabsaday inuu jawaab middaa ka bixiyo.

- Illaa hadda ma garan karno tallaabada falastiiniyuuntu ku tallaabsan doonaan, sidaa daraadeed ma sheegi karo mowqifka aan ka qaadan doonno.