Dawit Isaak oo Xabsi ku 10 Jirsaday

Toban sannadood ayaa maanta ka soo wareegtay kadib kolkii xabsiga la dhigay suxufiga Dawit Isaak. Illaa iyo haddanna aan wax natiijo ah dawladda Iswiidhen ka gaarin sidii muwaadinkaa xabsiga looga sii dayn lahaa.

Intiinii dhageeysteyna barnaamijkii shalayto in madaxa dawladda ee dalkan Iswiidhen oo ku sugan magaalada New York isku dayay inuu kulan la qaato madaxweyne Afwerk-iga dalka Eriteriya sidii uu middaa ugala xaajoon lahaa, hase yeeshee aaney u suurtagelin.