Dhaleeceeyn loo Jeediyey Ururka Shaqaalaha

Ururka shaqaalaha ayaa dhaleeceyn looga soo jeediyey la xiriirta shaqaale laga eryey howlo ey ka hayeen madaxtooyada. Waayeel, dadyow xanuunsan iyo xubno firfircoonaa ee ururka shaqaalaha ayaa kolkii shaqadii ey madaxtooyada ka hayeen laga eryayey uu ururku ku taabacay iyadoona xeerka cidda ugu dambeeysa in shaqada laga eryo uu ruux keliya ka taabacsanaa.

Natiijada ayaa noqoneeysa in ruuxa keliya ee la geliyo qaanadda qabanaysa cidda ugu dambeeysa inay shaqada ka baxdo un uu baxayo.

Dhaleeceeynta ururka loo soo jeediyey ee shaqaalaha madaxtooyada ayaa aad u ballaarnayd, iyadoona xilkii si aqlabiyad leh looga qaaday Per Hellman ahaana madaxa ururka ST ee madaxtooyada.

Ma ahayn markii ugu horreeysey ee ururka lagu dhaleeceeyo iney ku dabacsan yihiin xeerka shaqaalaha ee dhigaya in ruuxa ugu dambeeya uu shaqada ka baxo, kolka shaqa la'aan ey goob ka dhacdo.

Kurt Junesjö, ahna xeer-yaqaan dhanka xeerka shaqada ayaa mar uu la hadlayay idaacadda la iska daawado ee SVT u sheegay in ururka shaqaaluhu maanta cayaarayo kaalin ka liidata middii uu hore u cayaari jiray.