Mushaharka ragga iyo dumarka oo kala sarreeya

Kala sarreynta u dhaxeysa mushaharka ay qaataan ragga iyo midka ay qaataan dumarka ayaa weli ah mid aad u weyn, sida ay ka muuqata warbixin uu maanta sii daayay telifishinka qaranka ee SVT.

Dumarka ayay warbixinta leedahay waxay helaan ama ay shaqeystaan in u dhiginta mushahar ahaan 88% inta ragga ay u qaataan mushahar  halka dumarka ka shaqeeya xafiisyadda dowladda  ay shaqeystaan 79 % in u dhiganta inta ay mushahar ahaan u qaataan ragga iyagana ka shaqeeya xafiisyadaasi.

Xitaa farqiga u dhaxeeya mushaharka shaqaalaha caadiga iyo midka ka shaqeeya xafiis dowlad ayaa weli ah mid weyn iyada oo la leeyahay isu cel celis ahaan qofka ka shaqeeya xafiis dowlad ayaa warbixinta waxay leedahay waxuu mushahar ahaan uu ka badanyahay 43 % shaqaalaha caadiga taasi oo kronor ahaan u dhigmeysa  9.700 kronor bishiiba.