Taageerada Xisbiga S oo Hoos u Dhacday

Taageerada xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga (S) ayaa hoos u dhacday sida ku cad baaritaanka hayadda Sifo oo su'aalo weydiisay bulshada muddo laba toddobaad ah bishan oktoobar, iyadoona toddobaadkii dambe uu soo caan-baxay fadexaddii dhaqaalaha taageerada deegaanka ee Håkan Juholt.
Xisbiga S ayaa toddobaadkii hore ee labadaa toddobaad ay taageeradiisu gaarsiisnayd 35%, halka uu toddobaadkii dambe hoos u dhacay gaarayna 26,9. Isku celcelin wuxuu xisbiga S helay 30,3%, wuxuuna hoos u dhacay 1,3 laga soo bilaabo septeembar.

Xisbiga Mudaraatka (M) ayaa toddobaadkii hore ee baaritaanka helay taageero dhan 28,2. Halka uu toddobaadkii labaad ey sheegeen iney taageero u hayaan 32,8. Isagoona xisbigu isku celcelin la hoyday 31,1, hoosna u dhacay 1,6.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista