Afar Jir Meeydkiisa la Helay

Ciidanka ammaanka ayaa shir-jaraa'id oo ay maanta qabteen ku sheegay inay tuhunsan yihiin inuu fal-dembiyeed ka dambeeyo geerida wiil afar jir ah oo meeydkiisa la helay. Sida wiilku u dhuntay ayuu ciidanka ammaanku ka gaabsaday, hase yeeshee sheegay iney fureen baaritaan dembi. Iyadoona aan illaa hadda cidna la sheegin in lagu tuhunsan yahay falkaa.

Shirka-jaraa'id ayaa sidoo kale waxaa ka soo baxday in bishii agoosto ee sannadkan ay boliiska soo gaartay dacwad wiilka dhintay qoyska uu ka dhashay la xiriirta, halka baaritaan uu middaa ka socdo la xiriira xeerka bulshada.

Maalintii shalay ahayd ayaa wiilka afar jirka ah meeydkiisa laga helay aan ka dheereeyn halka uu qoyska wiilku deggenaa ee Ljungby kadib kolkii laga waayay meel dhallaanku ku cayaaraan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".