Sawirle: Helena Broström

Maxkamad Maanta lagu Dhawaaqi Doono

Go’aan-maxkamadeed indhaha aad loogu hayay ayaa maanta la shaacin doona, midkaasina oo la xiriira haween tiradoodu gaarsiisan yihiin 23 iyo hal nin oo la hor-keenay maxkamad laguna eedeeyey falal jebinaya xeerka galmada dhallaanka aan qaan-gaarin.  

Sawirro gaaraya 1 000 iyo 40 aflaam oo laga helay kombiyuuterka ninka dacwadda loo haysto ayey qiyaastii 115 sawirro iyo 37 aflaam ka muuqdaan galmo waxashnimo ee dhallaan aan qaan-gaarin lala sameeynayo, kuwaasina oo jebinaya xeerka dalkan u degsan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".