Sawirle: Anders Wiklund / SCANPIX kod

Heshiiska Xisbiyada ee Ciidanka Afgaanistaan ku Sugan

Dawladda iyo qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka ayey wadahadallo uga socdaan heshiis ey ka gaaraan ciidammada dalkan uga sugan Afgaanistaan. Xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga ayaa qaba in si tallaabo tallaabo ah loo dhimo ciidammadaa laga bilaabo sannadkan eynu ku jirno 2012.

Dawladda, xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga (S) iyo xisbiga Doogga (Mp) ayaa hore heshiis ugu gaaray in ciidammada dalkan kaga sugan Afgaanistaan laga soo daad-gureeyo ugu dambeeyn sannadka 2014. Iyada oo doodda iminka ku saabsan tahay tirada ciidammada dalkan carrigaa kaga sugnaan doona sannadka foodda innagu soo haya.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".