Maxkamaddii Suxufiyiinta oo Bilaabatay

Siddeedii iyo toban mirir ayaa iyaga oo jeebeeysan loo hogaamiyey lana hor-keenay maxkamadda labadii suxufi ee iswiidhishka ee ku xabisnaa dalka Itoobiya.

Xiisaha hayadaha wararka oo aad u ballaarnaa ayay yara dib dhacday intii makaan ka weyn looga sugayay maxkamad ka dhaceysa maanta maxkamadda qaranka Itoobiya ee magaalada Adisabab Lideta laguna hor-keenay suxufiyiinta Johan Persson iyo Martin Schibbye, iyadoona dib u yara dhacday bilaabatayna 8:10 halka hore loogu ballansanaa 7:30 subaxnimo.

Ugu horreeyn waxaa dacwooyinka lagu soo oogayo suxufiyiinta soo ban-dhigi doona xeer-ilaaliyaha, iyada oo kadib ey qareemmaduna halkaa ka dhiiban doonaan jawaabtooda ugu horreeysa. Waxaa la filayaa in dabadeed la xiro maxkamadda si garyaqaannadu wakhti ugu helaan iney difaacooda ku soo diyaarsadaan.

Maxkamadda maanta bilaabatay ayaa la filayaa sidoo kale inay socon doonto un muddo 15 daqiiqadood ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".