Geeridii Iswiidhishka oo la Beeniyay

Warkii la xiriiray in saddex muwaadin oo iswiidhish ahi ku geeriyoodeen dayuurad ey saarnaayeen ee ku qalibantay dalka Botswaana ayaa la beeniyay lana sheegay iney saddexdaasi ruux ahaayeen muwaadiniin u dhaltay dalka Switserland, sida ay shirkadda Travel World u xaqiijisay hayadda wararka ee TT.

Warkan ayaa hore looga soo xigtay hayadaha dalka Botswaana.

Wasaaradda arrimmaha dibadda ayaa sidoo kale u xaqiijisay TT iney jiraan bidhaamo caddeeynaya in wax la isku khalday.