Falu Tingsrätt. Foto: Scanpix.

Iminka: Go'aanka Maxkamadda Falu

Maxkamadda degmada Falu ee carriga Dalarna ayaa go'aan ka gaartay dacwad hor-taalay maxkamadda ee la xiriirtay haween tiradoodu gaarsiisan tahay 23 iyo nin 43 jir, iyagoona lagu soo oogay dacwad ka dhan ah ee la xiriirta jebin xeerka galmada dhallaanka aan qaan-gaarin.

Maxkamadda ayaa go'aankeeda ku raacday shuruudihii ey xeer-ilaaliyeyaashu soo jeediiyeen ahaydna in ninka 43-jirka ah ee hoggaanka u hayay falalkan lagu xukamy hal sano oo xarig ah, halka xukunka ugu sarreeya ee dacwooyinka noocaniya gaarsiisan yihiin lix sannadood oo xarig ah iyada oo haweenkii dhammaantood lagu riday xukun ah ganaax, hase yeeshee dembiga lagu soo oogay uu xukunkiisa ugu sarreeyaa yahay laba sannadood oo xarig ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".