Shumacyo loo dhigay geerida wiilka. Foto: Alexandra Svedberg/Sveriges Radio

Xaaladda 4 jirkii Meeydkiisa la Helay

Ciidanka ammaanka ayaan illaa hadda weli gacanta ku dhigin cid lagu tuhunsan yahay ciddii ka dambeeysay geeridii afar-jirka ee carriga Ljungby.

Wiilkan afar jirka ah ayaa maalintii axadda 22-kii galabnimo meeydkiisa laga helay meel dhallaanku ku cayaaraan ee aan gurigiisa ka fogeeyn, kadib isaga oo la la'aa dhowr saacadood eyna is dagaaleen walaalkii 17-tii galabnimo ee isla maalintaa.

Shaleyto galabnimadii ayuu boliisku shir-jaraa'id ku sheegay in geerida wiilka afar jirka ah uu ka dambeeyay fal-dembiyeed.

Farsamo-yaqaannada ciidanka ammaanka ayaa baaritaan ku sameeyey goobta laga helay meydka iyadoona sida wararka qaarkood sheegayaan laga helay waxyaabo muhiim u ah baaritaanka. Sidoo kale maanta gelinkii dambe ayuu ciidanka ammaanku gaari kuwa qafilan dhigtay nawaaxigaa, sida uu sheegay Hans Sjöberg, sarkaalka ugu sarreeya ee baaritaankan:

- Gunta laga leeyahay ayaa ah in bulshadu na aragto inaan goob-joog halka ku nahay, islamarkaana ay na soo gaarsiin karaan haddii ey hayaan war-bixin, sida uu Hans Sjöberg sheegay, mar uu u warramayay laanta wararka ee Ekot.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista