Kaniisada barafka ee ku ag taalla hotelka barafka

Misaajid ka sammeysan baraf.

Misaajid guud ahaantiisaba laga sammeynayo baraf ayaa waxaa goor dhow laga dhisiyaa deegaanka Jukkasärvi ee gobolka Lappland ee waqooyiga Iswiidhan iyada oo deegaankaasi uu caan ku yahay hotel ka sammeysan baraf.

Yngve Bergqvist oo ah maamulaha hotelka barafka ayaa u sheegtay wargeys ka soo baxa gobolka waqooyi oo la yiraahdo Socialdemokraten in mashruuca lagu dhisayo misaajidka uu hadda yahay horudhac ayna eegi doonaan mustaqbalka sida uu noqdo.

Xornimo xagga diinta ayaan ku heysanaa Jukkasärvi waxaana nahay dad fur furan, ayay tiri Yngve Bergqvist.

Sanad kasta waxaa hotelka barafka ee ku yaalla waqooyiga Iswiidhan laga dhinac dhisaa kaniisan iyana ka sammeysan baraf.

Fekerka ah in misaajid ka sammeysan baraf la dhisana waxaa keenay Maxamuud Aldebe oo ahaa madaxii hore ee ururka Muslimiinta Iswiidhan.

Xilliga xiga ee qaboobaha ayaa lagu wadaa in misjaadikani diyaar noqodo iyada oo laga garab dhisayo kaniisada iyana barafka ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".