Högskolan på Gotland Foto: P4 Gotland/SR

Waxbarashada tacliinta sare.

Waxaa weli sii kordhaya tirada dadka xiiseynaya waxbarashada tacliinta sare iyada oo 202 000 oo ruux ay xilliga gu’a dalbadeen waxbarashada tacliinta sare.

Dadka ugu badan ee xiiseynaya waxbarashada tacliinta sare ayaa ah dadka ku jira da’da 24 sano.

Sidii sannadkii hore oo kale tacliinta ugu badan ee dadka ay xiiseynayaan ayaa ah waxbarashada cadaalada iyo mid dhaqtarka iyada oo labaatanka maado ee ugu horreeya ay imminka ku soo korortay waxbarashada macaliminimada dugsiyda xanaanada oo si weyn looga soo dalbaday hanaanka aan fasalka la soo fariisan ee la yiraahdo (distans).

Waxaana dalabka ugu badan heleysa  jaamacadda Linnéuniversitetet.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".