Forskare studerar stamceller (arkivbild). Foto: AP

Unugyada Shakhsiga iyo Xuquuqda Hindisaaga

Maxkamadda ururka Midowga Yurub ayaa go'aamisay in aan xuquuq muhandasnimo aaney shirkaduhu u yeelan karin mar haddii uu muhandaskoodu ku jiro unug bani'aadan laga soo qaatay.

Maxkamadda ayaa go'aankan ku gaartay iyada oo tusaale u soo qaadatay caalinka jarmalka Oliver Bruestle oo hor-u-marin ku sameeyey kana soo saaray hab loo daweeyo cudurka Parkinson ee jahwareerka ku rida xarunta laga maamulo neerviyada maskaxda, isagoona isticmaalay unugyo uu ka soo qaaday uur-jiif, islamarkaana uu doonayay inuu xuquuq ku helo aan laga gudbi karin inuu hindisihiisa leeyahay. Halka ay maxkamaddu go'aamisay inaan xuquuq muhandisnimo ee noocaasiya aan lagu qaadan karin mar haddii unugyo bani'aadan ey ku jiraan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista