Weriyaha ku xiran Eritrea Dawit Isaak. Sawirle: Kalle Ahlsén/Scanpix.

Qoyska weriye Dawit Isaak oo hadlay.

Xaaska iyo caruurta uu dhalay weriyaha ku xiran dalka Eritrea ee Dawit Isaak ayaa dhaleeceyn kulul u jeediyay olole socda oo dalbanaya in dowlada  Eritrea ay xabsiga ka sii deyso aabahooda.

Ololahan oo afka qalaad lagu dhaho (Free Dawit Isaak) ama sii daa Dawit Isaak  ayaa waxay qoyska ku andacoodeen in la siyaasadeeyay oo uu sii adkeeyay xaalada aabahooda, sida ay sheegtay Betlehem Isaak oo ah gabar 18 jir ah oo uu dhalay Dawit Isaak iyada oo wareysi siisay wargeyska Svenska Dagbladet.

‘’Ma ahan in inaga oo fadhina Iswiidhan aan ka hadalno sida Eritrea loo xukumayo. Tani waxay sii adkeysay xaalada aabaheyga, ayay tiri Betlehem.

Dawit Isaak ayaa heysta dhalashada Iswiidhan waxuuna in ka badan toban sano ku xiranyahay dalka Eritrea.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".