Shirkada Ericsson waxay heshay faa'ido badan. Sawirle: Janerik Henriksson/Scanpix.

Shirkada Isgaarsiinta Ericsson oo faa’iday.

Shirkada weyn ee isgaarsiinta Ericsson ayaa heshay faa’ida ka badan inta la filayay inta lagu guda jiray rubaca saddexaad ee sannadka waa sida ku cad warbixin soo baxday saakay.

Shirkada ayaa faa’iday 5,9 Milyaardi iyada oo kororka faa’idada uu yahay afar boqolkiiba waxayna shirkada sheegtay in sidoo kale ay sii korortay saamiyadeeda suuqa.

Maamulaha guud ee shirkada Ericsson Hans Vestberg ayaa sheegay in faa’idada ugu badan ee shirkada ay ka timid iibinta Internet-ka mobile ka iyada oo holwha kale ee shirkadana ay faa’ido lahaayeen.

Mishaakilka dhaqaalaha e eka jira caalamka ayaan astaamihiisa ka marneyn shirkada Ericsoon iyada oo hoos u dhac badan uu ku yimid maalgashiga shirkada dalalka Yurub qaarkood iyo bariga dhexe.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista