mid ka mid ah dibexyada caalamiga oo ka dhacay London 15 oktober 2011. Sawirle: Viktor Hariz/ Sveriges Radio.

Dibedbaxayda ka dhanka ah hanaanka shirkadaha.

Dhaqdhaqaaqa caalamiga ee banaanbaxyada lagaga soo hor jeedo cadaala darada ama wax loogu magac daray  macaash jaceylka shirkadaha ku xoogan dhaqaalaha caalamka ayaa soo gaaray dalka Iswiidhan iyada oo maalintii sabtida ee toddobaadkan  dad gaaraya boqol ruux ay isugu soo baxeen fagaaraha  Sergels torget ee Stockholm ayaa haddana mar kale waxay dadkani teendhooyin ay hor surteen  banaanka hore ee bankiga dhexe iyaga oo goobtaasi qabsaday.

Dadkani oo la jaan qaadaya halku dhegyada laga istcimaalayo dibed baxyada ka dhacaya caalamka ayaa iyaguna waxay dibed baxooda ugu magac dareen  "occupy Stockholm" ama qabsada Stockholm.

Naima Clevenhag oo ka mid ah dadka teendhooyinka ka hor sammeystay barxada ka soo horjeeda bankiga dhexe ayaa sheegtay in muuhimadooda ay tahay in ay muujiyeen dadweynaha ay sammeyn karaan isbedelo ayna ku dhiiran karaan in ay ka soo baxaan xeendaabkooda iyada oo sheegtay in sidookale ujeedadooda ay tahay in la tuso dadka meesha sare kaga jira dhaqaalaha caalamka in awooda kama dambeysta ah in ay leeyihiin dadweynaha caadig ah.

Dibex baxyada ceykan ah ayaa ka soo bilowday degmada ganacsiga magaaladda New York ee Wall Street iyaga oo ku fiday guud ahaan caalmaka oo idil.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista