Maxkamaddii Suxufiyiinta oo Dib loo Dhigay

Maxkamaddii suxufiyiinta iswiidhishka ee ku sugnaa dalka Itoobiya dacwaddanna lagu soo oogay ayaa dib loo dhigay iyadoona la isugu soo noqon doono koowda bisha noveember, sida ay soo sheegtay Beatrice Janzon oo ka howl-gasha laanta wararka ee Ekot. Suxufiyiinta ayaa maanta maxkamadda ka hor-sheegay iney iska dheereeynayaan dembiga lagu soo oogay ee la xiriira argagixisnimada.