Muammar Kadaffi i jun 2009. Foto: Fílippo/Monteforte/Scanpix

Mucammar Qadaafi oo la dilay

Hogaamiyihii hore ee dalka Liibiya Mucammar Qadaafi ayaa warar soo dhacaya waxay ay ku waramayaan in uu u dhintay dhaawacyo soo gaaray ka dib markii ciidamadda golaha ku meel gaarka ee dalkaasi ay ku qabteen dagaalkii ugu dambeeyay ee ay maanta kula wareegeen magaaladda uu ku dhashay ee Sirta.

Wararka ku saabsan aayaha iyo xaaladda Mucamar Qadaafi ayaa ah horu dhac iyada oo xogta ku saabsan in uu dhintay ay imminka isa soo tareyso.

Qadaafi ayaa muddo ka badan afartan sano ah ka talinaayay dalka Liibiya isaga oo ahaa hoggaamiye aan la saadaalin karin.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista