Malaayga Lax oo miis saaran. Sawirka: Lars-Ola Marakatt

Kulanka wasiirada kalluumeysiga ee Yurub.

Wasiirada beeraha iyo kalluumeysiga ee wadamada midowga Yurub ayaa maanta yeelanaya kulan muhiim ah oo ay kaga xaajoon doonaan go’aan ku saabsan dabashada  kalluunka la yiraahdo Lax-ga ee badda Baaltika iyada oo kalluunkaasi  si weyn looga cuno qaaradda Yurub.

Guddiga midowga ayaa wada hindisa ah in 80 boqolkiiba hoos loo dhigo soo qabsashada kalluunkaasi waayo bay leeyihiin kalluunkaasi ayaa sii yaraanaya.

Dhinaca sharaxaada cilmi baarayaasha ee ku aadan arrintan ayaa sheegeysa dabashada saa’idka ah ee kalluunkaasi ay sababeyso xitaa in ay jirto qatar sii kordheysa oo ah ah in uu sii yaraado tirada malaaygaasi.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".