Booliska oo xiray halka cunuga meydkiisa laga helay ee degmada Ljungby. Sawirle: Johan Nilsson/Scanpix

Wararkii u dambeeyay ee dilka cunugii yaraa ee Ljungby.

Booliiska ayaa hadda baadi goobaya gaari nooca Skoda ah oo midabka gaduudka ama casaanka ah leh kaasi oo lagu arkay meel ku dhow halka laga helay meydka wiil afar jir ah degamada Ljungby ee galbeedka Iswiidhan habeenkii Axada ee todoobaadkan.

Ilaa iyo afartan sarkaal oo boolis ah ayaa ku howlan baaritaanka kiiskan wiilkan la dilay iyada oo ay booliska su’aalo weydiiyeen dad gaaraya 170 qof.

Booliska ayaa sheegayaa in howsha baaritaanka ay sii ballaaratay iyada oo aysan jirina jiha cad.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".