Maxada hayadda sirdoonka ee Säpo Anders Danielsson. Sawirle: Ulf Palm/Scanpix.

Aalada Internet-ka iyo halista argagixiso

Hayadda sirdoonka Iswiidhan ee Säpo ayaa sheegtay in dalka qatar argagixiso ay kaga imaaneyso bogaga Internet-ka ee taageersan ama ku xiran ururka Al Qaacida.

Arrintan imminka soo baxday ee ah in halista aragagixisada ee dalka ay ka imaaneyso dhinaca Internet-ka ayaa waxaa shaaciyay madaxa hayadda Säpo Anders Danielsson oo la hadlay wargeyska  Dagens Nyheter.

Muddo sanad ka hor ayay hayadda sirdoonka ee Säpo waxay markii ugu horreysay ay sare u qaaday heerka qatarta argagixisada ee dalka iyada uu gaarsiisay heerka saddexaad ka dib markii laga shakiyay qof gaar ah oo hayada la socotay.

Heerkaasi heeganka ayaa hoos loo dhigay ka dib markii qofka laga shakisanaa dambe kale uu ku soo baxay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".