Calanka shirkadda Saab. Sawirle: Adam Ihse/Scanpix.

Shirkada Saab oo ka baxday heshiis ay la laheyd shirkado Shiina ah.

Shirkada gawaarida sammeysa ee Saab ayaa ka baxday heshiis kala dhaxeeyay shirkado laga leeyahay dalka Shiinaha oo la kala yiraahdo Youngman iyo Pang Da, sida ku qoran war saxaafadeed xalay ay soo saartay shirkadda Saab ee fadhigeedu yahay Iswiidhan.

Heshiiska ka dhaxeeyay shirkada Saab iyo labada shirkadood ee Shiinaha ayaa waxuu qorayay in shirkadaha Shiineeska ay ku maal geliyaan Saab lacag gaareysa 2,2 miljardi oo karoonka Iswidhishka ah iyada oo taasi bedelkeeda shirkadaha Shiineeska ay yeelanayaan 53,9 boqolkiiba lahaanshaha Saab.

Sida lagu sheegay hadalka qoraalka ee ka soo baxay Saab shirkadaha Shiineeska ee Pang Da iyo Youngman ayaa ka soo bixi waayay heshiiska maadama ay wada bixin waayeen lacagta laga doonayay ee maal gashiga.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".