Horyaalka Allsvenska oo soo dhammaaday

Waxaa soo xirmay oo waqtigiisa soo dhammaaday xilli ciyaareedka horyaalka kubada cagta ee Iswiidhan ee Allsvenska iyada oo sannadkan koobka horyaalka ay ku guuleystay kooxda kubada cagta ee Helsinborg waxaana kaalinta labaad gashay kooxda AIK.

Kooxda AIK ayaa waxaa u suuroobi doonto in ay ka qeyb qaadato ciyaaraha la yiraahdo Europa League maadaama ay gashay kaalinta labaad.

Kaalimaha saddex iyo afaraad ee horyaalka Allsvenska waxaa sannadka kala galay kooxaha Elfsborg oo sadexaad ah iyo kooxda Malmö oo gashay kaalinta afaraad.