Sawirle: Stig-Åke Jönsson/Scanpix.

Waxbarashada iskuulada ee caruurta magan gelyo doonka ee aan la wehlin

Baaritaan ay si wada jir u sammeeyeen telifishinka sii daaya arrimaha la xiriirta waxbarashada iyo bulshada ee UR iyo sanduuqa badbaada caruurta ayaa waxay muujineysaa in caruurta aan la wehlin ee magan gelyada ka soo doonta Iswiidhan in aysan u heleynin sidii looga baahnaa waxbarashada iskuulada  iyada oo sida uu qorayo sharciga Iswiidhan iyo axdiga caruurta ay dadkani xaq u leeyihiin in ay helaan waxbarasho.

Cilmi baaristan ayaa waxaa su’aalo lagu weydiiyay 348 macalimiin iyagu wax bara caruurta aan la wehlin.

Ku dhowaad  42 boqlkiiba macalimiinta wax barta caruurta aan la wehlin ee qaxootiga ah ee su’aalaha lagu weydiiyay daraasadan ayaa waxay sheegeen in aysan ka heleen agabka iyo taageerada ay u baahnaayeen ama ay aad u hooseyso taageerada ay ka helayaan maamulka sikuulada ay joogaan.

Lix ka mid ah tobankii macallin ee su’aalaha la weydiiyay ayaa waxay sheegeen in aysan jirin ahaanaan ama qorshe waxbarasho oo loo diyaariyay caruurta qaxootiga ee aan waalidkooda la socon.

Mid ka mid ah macalimiinta lagu wareystay baaritaanka ay si wada jirka ah u sammeeyeen Teilifishinka UR iyo sanduuqa badbaadada caruurta ayaa yiri: ”Ma helayo taageerada aan u baahnaa si aan si wanaagsan wax ugu baro ubadka xaqiiqda waxba uma hayo caruurta aan wax barayo xaaladda dhabta ah ayaana sidaasi ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".