Smittan sprids troligen från smågnagare via fästingar till människor och kan ge blodproppar i ben och lungor. Foto: Kyrre Lien/Scanpix.

Jeermis Cusub oo uu Faafiyo Gofanuhu (Shillin)

Culimada ayaa heshay/aragtay bakteeriya cusub ee aan hore loogu aqoon oo uu faafiyo gofanuhu. Bakteeriyadan oo uu xayawaan kale ka soo qaado ayuu u gudbiyaa bani'aadamka waana mid wax-yeelo ku ah dadyowga uu liito difaaca oogadoodu. Waxa uuna sababaa xinjir xirta xididdada dhiigga ee lugaha iyo sambabada iyo sidoo kale wax la moodo qandho.

Saddex ruux ee ku dhaqan koonfurta dalka ayaa u xanuunsaday illaa iyo hadda, inkastoo culimmadu aaminsan tahay in dalka oo dhan uu ka jiro cudurkani.

Qiyaastii toban daloolow mid ayaa la qiyaasayaa in gofaneyaashu Yihiin side jeermiska. Waana mid caadiyeeyneysa sida cudurka Burelia, sida ku cad war uu qoray war-geyska DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".