Dib u dhac ku yimid tareenka cusub ee SJ 3000.

Waxaa dib u dhac uu ku yimid tareen cusub oo ah nooca dheereeya oo shirkada tareenada dalka ee SJ ay ku waday maal gelin, sida uu soo qoray wargeys ka soo baxa gobolka Gävleborg lana yiraahdo Gefle Dagblad.

Tareenkan cusub ayaa waxaa la yiraahdaa SJ 3000 iyada oo horay u jiray tareen isna dheereeya oo la yiraahdo  X 2000.

Tareenkan cusub ee SJ 3000 ayaa lagu waday in uu shaqo bilaabo bartamaha bisha Diseembar ee sannadkan laakiin shirkada tareenada ee SJ ayaa waxay sheegtay in uu tareenka how geli doono inta lagu guda jiro saddex bilood ee ugu horreya ee sannadka soo socda 2012-ka.

SJ 3000 ayaa in la sammeeyo waxaa ku baxday qarash gaaraya labo milyaardi oo karoon.