Macmacaan. Sawirle: Frida Hederberg/Scanpix

Halista sonkorta iyo macmacaanka.

Daraasad lagu sammeeyay Iswiidhan ayaa sheegeysaa in dadka sida aadka ah u cuna sonkorta iyo waxaabaha kale ee macaanka ah in ay aad ugu nugul yihiin in uu ku dhaco cudurka wadna istaaga iyo cudurada kale ee wadnaha iyada oo daraasadan lagu sammeeyay dad gaaraya 4300 oo qof.

Natiijada daraasadan oo lagu soo daabacay wargeyska ka soo dalka Ingiriiska ee ka faallooda arrimaha nafaqada ee afka qalaad lagu yiraahdo Journal of Nutrition ayaa waxay sheegtay in dadka sida aadka ah u cunay sonkorta in dhiigooda uu ku bato dufinta ama subaga iyada oo aysan ku xirneen buurnaashada qofka.

Daraasada ayaa waxay sidoo kale cadeysay in qaadashada qamriga oo xadidan ay u wanaagsan tahay wadnaha iyo unugyada uu maro dhiiga.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".