16-jir Hore loo Dhaawacay oo Geeriyooday

Wiil 16-jir ah kuna dhaqnaa deegaan ku yaala Eslöv oo kelinimo dalka ku yimid oo horay loo dhaawacay muddo toban maalmood iminka laga joogo ayaa shalyto geeriyooday. 16-jirka ayaa ku geeriyooday cusbitalka jaamicadda Lund, sida uu qoray wargeeyska Internet-ka ee Skånskan.se.

Lab dhallinyaro ah ee da’doodu tahay 19 iyo 21 jir ayaa geerida wiilkaa kadib lagu soo oogay dacwad ah dil, iyadoona la filayo in arbacada maxkamadda la hor keeno.