Cudurka Kansarka ee Dhuunta Ilmogaleenka

Maamulka caafimaadka ee gobolka Blekinge ayaa ku tala jira inuu go'aan la mid ah qaato heyadda dhigeeda ee gobolka Skåne iyo sidii heshiis gaara loola geli lahaa shirkad ka mid ah kuwa soo saara dawada tallaalka cudurka kaankarada ee ku dhaca dhuunta ilmo-galeenka haweenka.

Kulan ayay heyaddaasi u ballansan tahay sidii looga hor-dhici lahaa heshiiska guud ee la filayo inuu ururka degmooyinka iyo gobollada ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno SKL la gasho shirkad ka mid ah labada shirkadood ee arrinkaa isku heysta.

Hayadda maamulka caafimaadka ee gobolka Skåne ayaa isniintii ina dhaaftay go'aansatay inay gobol ahaan heshiis ula gasho sidii tallaalka cudurkaa loogu suurtagelin lahaa hablaha intii dhalatay wixii ka dambeeysey 1993.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".