Klicka för grafik: Saab:s skakiga resa

Xilligii Saab loo Qabtay oo aan Jawaab laga Helin

Maanta saacaddu kolkay ahayd koowdii duhurnimo ayuu ku ekaa xilligii loo qabtay shirkadda Saab inay dib ugu soo war-celiso maxkamadda degmada Vänsborg oo masuul ka saarnaa in dib u habeeynta shirkadda la sii wado iyo in kale, iyadoona shirkaddu suurtagalkaa lumisay.

Middaa ayay macnaheedu tahay in shirkadda Saab xaaladdeedu sii adkaaneeyso. Hase yeeshee shirkaddu hore u dalbatay in dib loogu dhigo go'aankaa, sida uu idaacadda la iska daawado ee tv4 laanteeda wararka u sheegay maamulaha maxkamadda Stefan Nilsson.

Maxkamadda degmada ayaa go'aan middaa ka gaari karta iyada oo aan wax jawaab-celin ah laga helin shirkadda Saab.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".