Qof hindhisaya. Sawirle: Scanpix

Hargabka oo u daran dadka qaba cudurka Neefta.

Cilmi baare ka tirsan jaamacadda magaaladda Lund ayaa ogaaday in borotiinka ku jira sanbabada ee sababa cudurka neefta in uu sii xoogeysto marka qofka uu ku dhaco hargabka ama duriga iyada oo dadka qaba xanuunka neefta uu dhibaato dareemayo marka uu ku dhaco hargabka iyada oo qofka uu halis uu geli karo xitaa in uu diifsado.

Waxaa jira ilaa iyo 200 oo noocyo kala duwan oo ah cudr dhaliyayaasha hargabka iyada oo xaaladaha ugu halista yar la sheegatyo in qofka uu hayo xanuunka neefta in ay ku qaadato muddo bil ah in uu ka bogsooda hargab waa haddii uu ku dhaco.

In ka badan 700 000 ayaa la il daran xanuunka neefta oo ka mid xanuunada haleela marinada neefsiga ee bina aadamka.

Daawada hadda loo qaato cudurka neefta ayaa wax tar u leh cudurka caadi ahaan balse waa cudur dhaliyayaasha keena hargabka kuwa ugu daran ee sii xummeeya xaaladda bukaanada qaba cudurka neefta sida ay sheegtay cilmi baarista la shaaciyay maanta.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".