Maxkamada caalamiga Q.M ee xasuuqii Rwanda. Sawirle: Tony Karumba/Scanpix.. Foto: Tony Karumba/Scanpix.

Muwaadin Ruwaandiis ah oo racfaan ka qaadanaya go’aan ay gaartay maxkamada Yurub.

Sylvère Ahorugeze oo ah muwaadin u dhashay dalka Ruwaanda looguna shakisanyahay in uu ka qeyb qaatay xasuuqii ba’naa ee dalkaasi ka dhacay 1994-tii ayaa imminka doonayo in uu racfaan ka qaato go’aan ay shalay gaartay maxkamada qaaradda Yurub go’aankaasi oo maxkamada ay ku raacday Iswiidhan qorshe ay ku dooneyso in ninkaasi ay musaafuriso kuna celiso dalkiisa.

Maxkamada qaaradda Yurub ayaa shalay shaacisay in Iswiidhan ay ku saxantahay in ninkaasi ay masaafuriso taasi oo ka hor imaaneysa sharuucda caalamiga.

Qraeenka u doodaya sharci ahaan ninkan Ruwaandiiska ayaa sheegay in in ay go’aan ku gaareen in racfaan ay ka qaataan go’aankii shalay ee maxkamada Yurub balse ma uusan sheegin xilliga ay gudbin doonaan racfaankooda.

Qareenkan oo lagu magacaabo Hans Berberg una hadlay wakaaladda wararka ee TT ayaa sheegay in labo kiis oo racfaan ay sidoo kale hor dhigeen labo dal kale oo Yurub ku yaala isaoona sheegay in ay ka war dhowrayaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".