Saacad derbi suran Foto: Malin Hoelstad/Scanpix.

Saacadda oo is bedeleysa maalinta Axada.

Maalinta Axada waxaa la geli doonaa xilliga saacada lagu sixi lahaa waqtiga qaboobaha iyada oo waqtiga imminka ah dib hal saac gadaal loogu soo celin doono tusaale ahaan haddii waqtiga ay sheegeyso saacadaada uu yahay sagaalka galabnimo waxaad ka dhiganeysaa maalinta Axada sideeda galabnimo.

Dadka heysta tilifoonada casriga ah uma baahna in saacadu ay saxaan oo tilifoonada ayaa si iskooda saacad dib isugu soo celin doona.

Waxa keliya ee qofka uu sammeyn karo ayaa in uu ka saxo waqtiga mobile-kiisa qeybta laga bedelo ama saacada gacanta ee uu xiranyahay.

Dad badan ayaa dhibaato ku qaba waqtigan isbedela iyada shirkadda sammeysa tilifoonada HTC ay su’aalo weydiisay ku dhowaad 1,000 oo Iswidhish ah waaya aragnimadooda saaada is bedeleysa waxayna boqolkiiba shan ay sheegeen in ay xilli hore bedeshaan ama ay ka dib dhacaan waayo waxay seegaan in ay la socdaan xilliga waqtiga isbedelayo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".