Pang Qinghua, maamulaha shirkada Pang Da, oo booqasho ku yimid i Trollhättan bishii Maajo. gadaal waxaa ka muuqda madaxa Saab Victor Muller. Sawirle: Björn Larsson Rosvall/Scanpix

Shirkadaha Shiinaha oo balaayiin gelin doona Saab.

Shirkadda gawaarida sammeysa ee Saab ayaa maanta ku soo bandhigeysa deegaanka Vänersborg qorshaeeda ganacsiga ee wata isbedelada ka dib markii shirkadda ay iibsadeen labo shirkadood oo laga leeyahay dalka Shiinaha.

Fekerka jira ayaa waxuu yahay in shirkadaha Shiineeska Pang da iyo Youngman ee iibsaday shirkadda Saab in ay ku maalgelin doonaan shirkada adduun lacageed gaaraya 7,5 milyaardi oo karoon labada sano ee ugu horreeya. Sida qorshahu yahay Saab ayaa heli doonto faa’ido sannadka 2014.

Shirkada Saab ayaa sida qorshaha uu yahay waxay baabuurta ay soo saarto ku sammeyn doontaa magaaladda ay hadda ku leedahay wershada ee Trollhättan iyada oo sidoo kalana wershado baabuurta lagu farsammeeyana ka furaneysa dalka Shiinaha.

Iibinta tirada baabuurta Saab ayaa waxaa la filayaa in sannadka 2016-ka uu gaaro inta u dhaxeysa 175 000 ilaa 200 000 sannadkii iyada oo saddex meelood hal meelna halka baabuurtaasi laga iibsado ay noqon doonto dalka Shiinaha.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".