Migrationsverket får inte varna kvinnor för män som har en historia av kvinnomisshandel. Fotomontage: Sveriges Radio/Scanpix.

Akhbaaraha Qaxootiga oo la Suuq-geeyo

Boqolaal ruux ee dalka ka dalbaday magan-gelyo doon ayaa si furan loogu soo daabacy bogagga internetka khabaarihii ey kula hadleen hayadda iyo maxkamadda socdaalka uuna ka mid yahay bog uu tifa-tire ka yahay mid ka mid ah dadyowga taabacsan ururrada xag-jirka ee u ololeeya xanibidda dadyowga ajaaniibta ee dalka soo gala.

Akhbaaraha boggaa lagu soo daabaco ayey ka mid yihiin kuwa xasaasi ah oo halis gelin kara ruuxa. Wiil aannu ugu magac-darnay Cali asal ahaanna ka soo jeeda Soomaaliya ayaa loogu hanjabay dil kadib kolkii ay akhbaartiisu dibadda u soo baxday. Cali ayaa loo sheegay inuu dalka Soomaaliya dib ugu laabto haddii kalena waxyeello loogu geeysan doonaa halka uu ku sugan yahay:

- Markan waxaan kuu geeysan doonaa dhibaato ballaaran. Waad geeriyoon doontaa haddii aadan dalka isaga bixin oo aadan Soomaaliya dib ugu soo noqon, sida telefoon loogu sheegay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".