Sumadda xisbiga S. Sawirle: Bertil Ericson/Scanpix.

Xisbiga S oo Dhaleeceeyey Go'aankii Unesco ee Falastiin

Xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga ayaa dhaleeceeyey go'aankii ey xubnaha dalkan ka socdey ugu codeeyeen maya in maamulka Falstiin uu xubin ka noqdo ururka caalamiga ah ee Unesco.

Af-hayeenka xisbiga S ee arrimmaha dibadda Urban Ahlin ayaa u sheegey hayadda wararka ee TT "in falkani wax u dhimayo sumcadda uu dalkan Iswiidhen ku lahaa waddammada dhaca Bariga Dhexe".

Xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga ayaa qaba in maamulka Falastiin la siiyo darjo waddan ahaan u dhiganka ee xubinnimada hayadda caalamiga ee Qaramada Midoobey. Islamarkaana in dawladda maamulka dalku ahayd inuu xisbiyada mucaaradka middaa wada-tashi kala yeesho.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".