Sawirle: Bertil Ericson/Scanpix.

Go'aan ay Maxkamadda Sare Gaartay

Go'aan dhabba-tus ah oo ey maxkamadda sare dhowaantan gaartay ayaa sababi kara in dadyowga dembiga galaa ey ku marmarsiin karaan in aaney maskaxdoodu dhammeeyn xilliga ey dembiga gelayeen oo ey saqraansanaayeen, sidaa waxaa sheegey laba caalin ee ku takhasusey culuunta xeerarka Madeleine Leijonhufvud och Susanne Wennberg, maqaal ey maanta ku soo daabaceen war-geeyska Svenska Dagbladet.

Go'aanka maxkamadda sare ayaa la xiriira nin dacwad loogu soo oogey isku-day dil kaw ah ee laba ruux oo uu ku tooreeyey mindi, isagoona maxkamaddu go'aamisey inaan dembiga isku-dayga dil lagu oogi karin laguna oogo dembiga dhaawac-geeysasho, maadaama dembiiluhu ku andacoodey inuu xilligii uu dembiga geeysanayey uu sakhraansanaa.

Go'aanka maxkamadda ayaa horseedaya in ruuxa dembiilaha ahi uu ku andacoon karo wixii go'aankan ka dambeeya inuu sabab ka dhigto inuu sakhraansanaa iyo in xukunka laga yareeyso.

Isha:svd

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".