Iminka: Go'aan laga Gaaray Assange

Abuurihii bogga internetka ee Wikileaks Julian Assange ayaa la go'aamiyay in gacanta loo soo geliyo dalka Iswiidhen. Go'aankan ayay gaartay maxkamad ku taala magaalada London ee caasimadda dalka Boqortooyada Ingiriiska, sida ey qoreen hayadaha wararka ee dalka Ingiriisku.

Dacwaddan ayaa la xiriirta mar uu Assange booqasho ku yimid dalkan Iswiidhen sannad hortii iyadoo kadib ey dacwad ka dhan ah ku oogeen laba hablood oo sheegey inuu kula kacay falal ah kufsi iyo fara-xumeeyn.

Wixii intaa ka dambeeyay ayuu Julian Assange ku xanibnaa 11-bilood guri ku yaala magaalada Norfolk ee dalka Ingiriiska.

Go'aanka maxkamadda ayaa loo badinayaa in abiil laga qaadan doono.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".