Dhaqtar baaraya Bukaan. Sawirle: Bertil Ericson/Scanpix.
caafimaadka

Xaalada Dhaqaatiirta dalka oo rajo wanaagsan leh.

Waxaa la sheegayaa in muddo toban sano gudaheeda ay hagaagi doonto xaalada dhaqtar yarida ee ka jirta dalka waayo baa la leeyahay waxaa dalka dib ugu soo laabanaya arday badan oo soo dhammeystay waxbarashada caafimaadka iyada oo sidoo kalana ay korortay tirada dadka ka baranaya dhaqtarnimada ee dalka gudihiisa.

Ku dhowaad 3 000 oo Iswidhish ah ayaa culuunta dhaqtarnimada ama caafimaadka waxay imminka ku soo baranaayaan dibedaha iyada oo kuwoodii ugu horreeyayna ay hadda bilaabeen in ay ku soo laabtaan dalka.

Agneta Jöhnk oo iyadu ka shaqeeya qeybta taageerada wax qabashada ee maamulada gobolada iyo hayada caafimaadka ayaa sheegtay in muddo sano ah gudaheeda ay Iswiidhan isku filnaansho ka gaari doonto xagga dhaqaatiirta.

Tani ayaa micnaheedu waxay noqoneysaa in maamulada gobolada iyo hayada caafimaadka in ay iska daayaan shaqaalaha qaaliga ee intooda badana la dhaliilo ee hadda ka shaqeeya xarrumaha caafimaadka bals exilliga kala guurka oo ah ka hor inta aysan diyaar soo noqon dhaqaatiirta cusub iyo kuwa gaarka h ayaa xaalad adag waxay soo wejihi doontaa hayada caafimaadka ee gobolada, sida ay rumeysantahay Agneta Jöhnk.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".