Xafiiska hayada shaqada oo ku yaala meel ka mid ah Stockholm. Sawirle: Staffan Löwstedt / SvD / SCANPIX
suuqa shaqada

Fursad shaqo oo la sahlayo dadka aan dhammeysan waxbarashada.

Dhallinyarada kuwooda ku guul dareysta in ay dhammeystaan waxbarashada dugsiyada ayaa hadda ka heli doono fursad cusub hanaan shaqaaleysiin ah ahna sidoo kale waxbarasho shaqo iyada oo wasiirada suuqa shaqada Hillevi Engström ay maanta u gudbisay qof baare ah hidisa ku aadan sidii ay u suurgeli laheyd arrintaasi.

Ujeedada ka dambeysa fekerkan ayaa ah ka dib arkii ay sii korortay tirada dhalinyarada shaqo la’aanta ah oo ay ku jiraan sida muuqata dhallinyarada iyagu aan dhammeysan waxbarashada dugsiga sare.

Qaabka shaqaaleysiinta shaqa barashada ayaa micnihiisu waxuu yahay in dadka ka hooseeya da’da 23 sano ay muddo sand iyo bar ah ay heli doonaan shaqo lagu tijaabinayo oo wadata waxbarasho.

Sida uu u qornaa war ka soo baxay baarlamanka hanaankani cusub ee shaqaaleysiinta qaabka uu u hirgeli doono ayaa waxaa looga fadhiyaa baaraha la yiraahdo Claes Stråth.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".