Magaaladda Boden FOTO: MAJA SUSLIN / SCANPIX

Guri la xabadeeyay Boden

Qeybaha kala duwan ee ciidamadda amniga ayaa ka baadi goobaya agagaarka degmooyinka Boden, Luleå iyo Piteå ee waqooyiga dalka nin wejiga u qarsanyahay kuna hubesyan qori kaasi oo habeenimadii xalay isku dayay in uu xoog ku galo guri la deganyahay markii ay u suuroobi weysay xabad ku furay gurigaasi.

Markii ay xalay saacadu aheyd Sideed saac iyo toban daqiiqo ayaa qeylo dhaan waxay ka soo yeertay tuulo la yiraahdi Svartbjörnsbyn halkaasi oo ninka hubeysan uu garaacay gambaleelka guriga ku yaalla halkaasi.

Ninka guriga deganaa ayaa markii hor eka furan iridka ninka hubeysan balse waxaa u suuragashay in uu dibeda isaga riixo kana xirto albaabka taasi uu sababtay in ninka hubeysan uu ku furo xabado gurigaasi.

Erik Kummu oo ka tirsan booliska gobolka Norrbotten ayaa sheegay in xabada uu riday ninka hubeysan ay ka dhex baxday derbiga guriga.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".